Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Halwad Oo is xooday
Waxa halkan waxa aad ka daawan doondoo hobol Max’uud Xuseen Max’ed Sulub oo heestiisii Gashaamo oo muuqaalla aad ka bogan doontaa.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Geellaa Markuu,………………………….. Waxkale oo …………..
Sida kor ku xusan waa qaali shayga Geel lagu magacaabaa cidna dhayal kama dhigan karto in kastoo laga guuray waagiisii, haddana, Alle ayaa qiimeeyey.
Halka waxa aan ku soo gudbinayaa gabay waxtarka iyo hawsha geella ba wax ka sheegaaya.
Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute) (HJ)
Gammute gabaygiisan soo socda waxa ragga suugaanta ku xeeldheeri ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha badnaa.
Abaar xun baa dhacday markaasaa Gammute geelii u dhaadhiciyey Guban iyo dhul aanu weligiis arag. Nin ay walaala ahaayeen oo Cabdi la odhan jirey baa yidhi “War geeli aan had qabadsiino Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye”.
Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii gaalku gelelefo ee goor walba qabto ayaa marshey tixdan oo uu leeyahay “Gaadlayaal maxaa iiga dan ah inaan lacag dhaafsado ayaabaan maanka ku hayaaye”. Wuxu noqday gabay Xeeldheer oo Abwaanku suugaanta geela kaalinta koowaad uga galay.
| Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido’e Dadkoo gama’san gaadh Faranje iyo galawga moyaane Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile Gadhfeedh iyo Madheedkii Dannod Gawlalliyo Caado Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday Goonyaha isaga soo duwoo geed bidhaansadaye Ee xerada lagu soo genbiyey gaabiskii tebaye Meeshaan gadiidkii ka rogey soo garwaaqsadaye Anoo gaajo weyn qaba u imi kaan ka soo gudaye Dabadeed Ganuun buuxa iyo Gaawe raacsadaye Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo Gog halaad intaan u xidhay goof ku soo degaye Qoraxdoo gabaabsiya anigoo guraya lay yeedhye Gaawaha markii lala galee godolna loo taagey Gabno looma yeedhyeedho iyo Ganya dhega-weyne Aniga iyo ninkii ila gudboon waa ka garanuuge Sida Gaadhi boosh lagu guroo galab carraabaaya Goblamahakan tuug iyo Dhurwaa gaadayaa jira’e Rag gadaaman baa labada fiid goonyahaw baxa’e Aniguna geddeedaan baratiyo caynka loo galo’e Waa inay Gurracan sii martaa gobabki dheeraaye Galgal iyo miduun baa la geyn gumaci Tuur-Uuse Garab-weynta iyo Rimayda iyo Goodirkiyo Qaanka Nin waliba sidii uu u galay gumaradeed tuugye Gabgabbiga habeenkaa dhul dhexe Gawre nagu laaye Gaashaanka noo ride intay gacanta muujeene Ka gug-siinnay meel lagu go’ay Goojo dheertahaye Gungunnaaga uga leexanniyo Geel-ilaashaha’e Geerida ilaahbaa hayee Gaaddankaw hadhaye Iyadaan Xabbaadhiiba go’in gool ka dhuun jaraye Gubniyaal Sarkaal iyo haddii Goondharku u fuulo Sida Mawdka loo go’o dhulkuu gelelefaayaaye Nimankii Ogaadeen u galay gaankii Habar Yoonis Gashi ay qabeen iyo ma jirin goddob ay hooyeene Gadhmadowda Reer Gorod Xirsiyo Galacba waa caydhe Gaajiyo Haraad bay badeen gabannadiisiiye Galaasyaaba lagu malayaa Gaawihii dhigaye Gasab kale inaan dhaafsaday gocatay laabtiiye |
Waxa aanu ka soo xiganay; http://www.hoygasuugaanta.com
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Xusnul-Khaatumo {Gabay uu Salaan Maxamed Tiriyey}
Gabaygan inta koobani laga hayo waxa Salaan u tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey. Xirsi wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da’diisu aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka Qiyaame.
Wuxu Salaan {Alle godka ha u nuuree} sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo iyo Alla ka cabsi ugu go’ay. Ta muhiimad kowaad lihina ay taas tahay.
Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.
Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye. {Salaan}
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
“Wixii la qoraa Quruumo hadhee Muxuu hadal qiimo leeyahay” Cabdi Sinimoo.
Wixii La Qoraa
Quruumo hadhee
Rag sabaan ka sabaan baan,
Samaantuun badiyaa.
Haduu saakimi waayo,
Sariiraan u dhigaa,
Iska seexo idhaa.
Haduu saakimi waayo na,
Caanihii hasha Suub baan,
Saddex goor u lisaa,
Ku sarriigo idhaa.
Haduu saakimi waayo,
Sumalkii rugta joogay iyo,
Sogobkaan u qalaa,
Haduu saakimi waayo,
Siirigii Cadmeed baan,
Subaggawga badshaa,
Haduu saakimi waayo,
Gabadh suurad wanaagsan baan,
Surrada ugu dhisaa.
Haduu saakimi waayo,
Xoolo gooni u soofiyo,
Sadadaan ku ladhaa,
Haduu saakimi waayo,
Seeddow, mood iyo mood iyo,
Salaantaan badiyaa.
Haduu saakimi waayo
Salaadaan lallabaa yoo
Meydal seedo madow iyo
Salligaan cuskadaa yoo
Sulub eebo ku joogtaan
Sarartaa ku dhuftaa
Sambabkaan ka baxshaa
Markaasuu sellimaa
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Limit to Submission part 2
Waa Qaybtii Labaad ee Dhugasho Wacan;
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Limit to Submission Part 1
Waa Fariin Taariikhi ah oo uu ka tegey Xuseen Max’ed Aadan. Laakiin marna kama dhergin sida ay Soomaalidu wax u maqasho, ragga ku jira cajaladduna waa Indheer-garadkii ummaddu xilligaa lahayd ee uu calaashaday taliskii meliteriga ahaa ee macangaga ahaa ee waaggaa ka arimin jirey geygii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, bal dhugo;
Baadhid dheer oo hufan, dhul baxaad lehna way ka hadlaysaa.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Duco Aan Soo Noqon !
Waxa aadamuhu sugaa isbedel ku yimaada had iyo goor noloshiisa. Kolka la waayo ama uu ka raagana waxa laysku dayaa in uun tiir loo cuskado maqnaashaha. Mid la weydiisto cid dheeraada ayaa ku badan. Taas oo nisbaynayo in ay ka awood weyn tahay. Loona filo in ay wax ka qaban karto, karti darada markaa haysata.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Illeen Waraabe Weedhi Ma Gasho

- Wallee Dhahab-dhahab baydinnaan wax igaga qaadin.
Ummad waliba waxa ay leedahay wax ay ku faanto, haddii la waayana ay dumayso. Haddaba waxa dhawaanahan isa soo tarayey cabashooyi iyo dhaliilo badan oo isa soo taraya inay caadaddii hore ee ay ummadani ku kala dhaqaaqday ay afka saartay. Bal dhugo sida farxashanka caanka ahi u fasiray.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Halwad oo maqal iyo Muuqaal
Waa Heestii caanka ahayd ee uu fanaanka da’da yar iskuna darsaday cod hufan iyo cod-karnimo. Bal dheeho oo dhugo heesta iyo fanaankaba;
Hadda waykan.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »