Duran’s TV- live streaming video powered by Livestream

Halwad Oo is xooday

Waxa halkan waxa aad ka daawan doondoo hobol Max’uud Xuseen Max’ed Sulub oo heestiisii Gashaamo oo muuqaalla aad ka bogan doontaa.

Geellaa Markuu,………………………….. Waxkale oo …………..

Sida kor ku xusan waa qaali shayga Geel lagu magacaabaa cidna dhayal kama dhigan karto in kastoo laga guuray waagiisii, haddana, Alle ayaa qiimeeyey.

Halka waxa aan ku soo gudbinayaa gabay waxtarka iyo hawsha geella ba wax ka sheegaaya.

Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute) (HJ)

Gammute gabaygiisan soo socda waxa ragga suugaanta ku xeeldheeri ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha badnaa.
Abaar xun baa dhacday markaasaa Gammute geelii u dhaadhiciyey Guban iyo dhul aanu weligiis arag. Nin ay walaala ahaayeen oo Cabdi la odhan jirey baa yidhi “War geeli aan had qabadsiino Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye”.
Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii gaalku gelelefo ee goor walba qabto ayaa marshey tixdan oo uu leeyahay “Gaadlayaal maxaa iiga dan ah inaan lacag dhaafsado ayaabaan maanka ku hayaaye”. Wuxu noqday gabay Xeeldheer oo Abwaanku suugaanta geela kaalinta koowaad uga galay.
 

  Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye
Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido’e
Dadkoo gama’san gaadh Faranje iyo galawga moyaane
Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye

Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile
Haddaan Guulle ii soo kaxayn Guban ma taageene
Gabangoobbi guri xaalfa iyo Gol uma daayeene
Waakaa guduudkii ka ba’ay goobadii shuqule

Gadhfeedh iyo Madheedkii Dannod Gawlalliyo Caado
Gaaraabidhaanle iyo intaa godod u sii jeeda
Halka Yicibta laga soo guriyo Gubadki Qaansoole
Gorgor iyo Garboole oo degmadu geedi ku ahaatay

Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye
Gabri iyo intaan Tuur-Wareen guudka uga meersho
Gadaal baan ku soo furi lahaa goosay meel badane
Garwaanlaana waw daban lahaa Good anoo wada’e

Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye
Gartallawga waataan wax badan daba galluubnaaye
Sidii Gorayadii Riinji iyo Garane daaqaysay
Waataaan biyaha uga go’ay ee geeri lay filaye

Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday
Gondahayga Jiiq iyo ka guray Gocondho shaydaane
Kolkay Ayda soo wada gashee gobolba meel aaday.

Goonyaha isaga soo duwoo geed bidhaansadaye
Casarkii intaan godin la kacay gaaf u soo dhigaye
Gabbalka iyo fiidkii markuu Gabanku soo dhaafo

Ee xerada lagu soo genbiyey gaabiskii tebaye
Ganto baas la soo roorayoo guura-baaba’aye
Hadba gegi Cidla joogsadoo guux dhegeysadaye

Meeshaan gadiidkii ka rogey soo garwaaqsadaye
Habeenkaa sidii Cawl la ganay gooxa yuururaye
Markuu waagu ii galalax yidhi goosankii helaye

Anoo gaajo weyn qaba u imi kaan ka soo gudaye
Gabnada iyo candhoolaha nirgaa lagu gunnaynaayo
Intaan fidhinfidhlaha soo gogladay gaar u fuuqsadaye

Dabadeed Ganuun buuxa iyo Gaawe raacsadaye
Gartuubtiyo Caleentiyo markuu Gawdhadhka idlaysto
Gadaal buu ku oomee markuu golongolee dhuubto

Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo
Iyada oo Harraad gubey ninkii Guuliyaan ahaye
Garanuug an toogtiyo ri’ aan galin dhan hiigaayay

Gog halaad intaan u xidhay goof ku soo degaye
Gunta Caynabo laysaku xidhay galay salaadiiye
Hadba gacan ka daray uumiyuhu ways gerbinayaaye

Qoraxdoo gabaabsiya anigoo guraya lay yeedhye
Gaban-goobbidii iyo la tu’i gegidi hiireede
Gayaxay ahayd meesha iyo gelin horaadkii’e

Gaawaha markii lala galee godolna loo taagey
Ay Gorofka sida reer la miray geba-gebaynaysey
Afartii gudboonaa markii lagu garaacaayey

Gabno looma yeedhyeedho iyo Ganya dhega-weyne
Marqihii guduudnaa haddii goodir laga buuxsho
Gurboodkiyo nin gaajaysan iyo gacalka mooyaane

Aniga iyo ninkii ila gudboon waa ka garanuuge
Afkaygana ma gelin meesha iyo garashadaydiiye
Markaasaa gadaalkana durduur lagu garaacaaye?

Sida Gaadhi boosh lagu guroo galab carraabaaya
Gug bay soo tidhaahdaa waddada qoobka gelisaaye
Habeenkaa guryaha Baalidhaye inay gashaa weeye

Goblamahakan tuug iyo Dhurwaa gaadayaa jira’e
Dhaaxay intay daba galeen gurada jeexeene
Gami’i mayno ee waa inaan gaadh ka qabanaaye

Rag gadaaman baa labada fiid goonyahaw baxa’e
Goonbiyado iyo bay sitaan gaabanow Sumuc’e
Guduudkay istaagtaa sidii gaal ugaadhsiyahe

Aniguna geddeedaan baratiyo caynka loo galo’e
Markaan oodda gees uga duway gudub u jiidhaaye
Subaxaa ninkii garanayoow gadantay Mayliige

Waa inay Gurracan sii martaa gobabki dheeraaye
Maantaa waxay geleleftaa gudihi Dhoomoode
Gobka Heelmaraalay ka bixi gaafki dhererraaye

Galgal iyo miduun baa la geyn gumaci Tuur-Uuse
Geedmadowga iyo Seerigaa Goodir loo dhigiye
Halkaasay kalkii soo galaba dibuga gooshtaaye

Garab-weynta iyo Rimayda iyo Goodirkiyo Qaanka
Gaaleemaduu xooray buu gugu Hillaacaaye
Oo gaadda weynoow Ratigu gii’da ka hayaaye

Nin waliba sidii uu u galay gumaradeed tuugye
Col gingiman gurgurin laysu guray talo la gawdiidshey
Guntiga iyo Feedhaha ku xidhay Gumuc Rasaaseede

Gabgabbiga habeenkaa dhul dhexe Gawre nagu laaye
Ilaalada horeetaba gurnay iyo wiilashaan garanne
Wax la sii gucleeyaba la arag reero goonniyahe

Gaashaanka noo ride intay gacanta muujeene
Gudguduudka waaberi dagaal lagu galaydh-xoorye
Gardarrada raggii loola tegey Gamaska loo qaadye

Ka gug-siinnay meel lagu go’ay Goojo dheertahaye
Wax la sii garaacaba markaan gelin dhan qaadayney
Gaydhooy raggii maali jirey Guruxa soo saarye

Gungunnaaga uga leexanniyo Geel-ilaashaha’e
Maadhiin gariiraaya oo gur isu dhaafaaya
Giiryaale miihiye naftaba geed ku soo xidhaye

Geerida ilaahbaa hayee Gaaddankaw hadhaye
Ka gaddoome Guutaa waddiyo Gaaski loo wacaye
Gebagebaha loo dhigay halkay goray ka yuusaysey

Iyadaan Xabbaadhiiba go’in gool ka dhuun jaraye
Ka gig-beelnay Darib laysu guray gudurka mooyaane
Adiguba garaad waw lahayd goobahaan dhigaye

Gubniyaal Sarkaal iyo haddii Goondharku u fuulo
Geyi lagu beriiiyaa ma jiro Gobiyo Heemaale
Waa kaa ka soo guray halkay goray ku sheellayde

Sida Mawdka loo go’o dhulkuu gelelefaayaaye
Guudaan ha laayo’e ka tegey gacaladiisiiye
Gurya caydhi waa badanyihiin gees la eegaba’e

Nimankii Ogaadeen u galay gaankii Habar Yoonis
Gaadiidna nimanbaan ka raran gaar u hayn jiraye
Dhaaxay sidii goonni-daaq gubadka daajeene

Gashi ay qabeen iyo ma jirin goddob ay hooyeene
Nimanbaa ganteeyaye iyaba Gaanle ma ahayne
Garaad Faarax laba goonjibay guluf ku dhaafsheene

Gadhmadowda Reer Gorod Xirsiyo Galacba waa caydhe
Waayadan ganuun looma shubin malahay Gaandaa’e
Gartii weeye Cali Dhuux inuu gama’a diidaaye

Gaajiyo Haraad bay badeen gabannadiisiiye
Godbardaale iyo maalintay Gaabo ololaysay
Hadaba waxan ka galiilyoonayaa gadhadhacdeediiye

Galaasyaaba lagu malayaa Gaawihii dhigaye
Niman aan af garan waayay ayaa goonjigii cunaye
Guntiin lacaga, gaandaha lo’aad ginigi Nairobi

Gasab kale inaan dhaafsaday gocatay laabtiiye
Maxaa Gaadlayaal iiga dana waaba gadayaaye

Waxa aanu ka soo xiganay; http://www.hoygasuugaanta.com

Xusnul-Khaatumo {Gabay uu Salaan Maxamed Tiriyey}

Gabaygan inta koobani laga hayo waxa Salaan u tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey. Xirsi wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da’diisu aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka Qiyaame.
Wuxu Salaan {Alle godka ha u nuuree} sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo iyo Alla ka cabsi ugu go’ay. Ta muhiimad kowaad lihina ay taas tahay.

 

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.

Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.

Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye. {Salaan}

“Wixii la qoraa Quruumo hadhee Muxuu hadal qiimo leeyahay” Cabdi Sinimoo.

Wixii La Qoraa

Quruumo hadhee

Muxuu hadal
Qiimo Leeyahay
Sida ay muujinayso Belwo-da kor ku xusani, in Soomaalidu ay wax tidhaahdo laakiin muddo yar ka dib ay qarsoonto oo ay maanka Soomaalida ka gedmato. Halkaana lagu hilmaamo kuna baaba’do xikmaddii ay sidayna bartaa lagu dhaafo. Waaxana lagu salayn karaa sababta ay cajallada Soomaalidu had iyo dib isugu laab-laabato, oo halkii aad doraato maraysey ayaa haddana kaa hor imanaysa.
 
Si Kasta ha ahaatee, waxa cad in ereyga hadhaa uu yahay ka meel lagu xariiqo {qoro}, tilmaan cadna reebta oo hadhow laga raadiyo marka muran dhaco, teena se waa waxa la yidhi taasina waxay ka dhigtaa ku-tiri-ku-teen.
 
Waxa haboon inaan halkan ku soo min guuriyo hal ku dhegyo ay ka tageen rag hore oo Eebbe ku manaystay Af Soomaaliga. Bal aan sida qiimaha leh ee uu Alla Haw Naxariistee Faarax Nuur ku tilmaamay halka dhaqanka Soomaaligu ku sifeeyey damaca qofka. Geeraarkan waxa uu ku tilmaamayaa abwaanku xadka uu dulqaadku lee yahay ee bani aadamka loo samri karo; bal dhugo;
 
 

Rag sabaan ka sabaan baan, 
Samaantuun badiyaa. 
Haduu saakimi waayo, 
Sariiraan u dhigaa, 
Iska seexo idhaa. 

Haduu saakimi waayo na, 
Caanihii hasha Suub baan, 
Saddex goor u lisaa, 
Ku sarriigo idhaa.
Haduu saakimi waayo, 
Sumalkii rugta joogay iyo, 
Sogobkaan u qalaa, 

Haduu saakimi waayo, 
Siirigii Cadmeed baan, 
Subaggawga badshaa, 

Haduu saakimi waayo, 
Gabadh suurad wanaagsan baan, 
Surrada ugu dhisaa. 

Haduu saakimi waayo, 
Xoolo gooni u soofiyo, 
Sadadaan ku ladhaa, 
Haduu saakimi waayo, 
Seeddow, mood iyo mood iyo, 
Salaantaan badiyaa. 
Haduu saakimi waayo 
Salaadaan lallabaa yoo 
Meydal seedo madow iyo 
Salligaan cuskadaa yoo 
Sulub eebo ku joogtaan 
Sarartaa ku dhuftaa 
Sambabkaan ka baxshaa 
Markaasuu sellimaa

Limit to Submission part 2

Waa Qaybtii Labaad ee Dhugasho Wacan;

Limit to Submission Part 1

Waa Fariin Taariikhi ah oo uu ka tegey  Xuseen Max’ed Aadan. Laakiin marna kama dhergin sida ay Soomaalidu wax u maqasho, ragga ku jira cajaladduna waa Indheer-garadkii ummaddu xilligaa lahayd ee uu calaashaday taliskii meliteriga ahaa ee  macangaga ahaa ee waaggaa ka arimin jirey geygii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, bal dhugo;

 

Baadhid dheer oo hufan, dhul baxaad lehna way ka hadlaysaa.

Duco Aan Soo Noqon !

Waxa aadamuhu sugaa isbedel ku yimaada had iyo goor noloshiisa. Kolka la waayo ama uu ka raagana waxa laysku dayaa in uun tiir loo cuskado maqnaashaha. Mid la weydiisto cid dheeraada ayaa ku badan. Taas oo nisbaynayo in ay ka awood weyn tahay. Loona filo in ay wax ka qaban karto, karti darada markaa haysata.

Illeen Waraabe Weedhi Ma Gasho

 
Daahir Oo Tadhahay
Wallee Dhahab-dhahab baydinnaan wax igaga qaadin.

Ummad waliba waxa ay leedahay wax ay ku faanto, haddii la waayana ay dumayso. Haddaba waxa dhawaanahan isa soo tarayey cabashooyi iyo dhaliilo badan oo isa soo taraya  inay caadaddii hore ee ay ummadani ku kala dhaqaaqday ay afka saartay. Bal dhugo sida farxashanka caanka ahi u fasiray.

Halwad oo maqal iyo Muuqaal

Waa Heestii caanka ahayd ee uu fanaanka da’da yar iskuna darsaday cod hufan iyo cod-karnimo.  Bal dheeho oo dhugo heesta iyo fanaankaba;

Hadda waykan.