NINKII HABARTIISA, HADHUUDH U TUMO, INAANAY HUFAYNIN MIYAANUU OGEYN !!

Bulsho waliba waxa leedahay waddo ay ka bidhaan sato sooyaalkeeda iyo isbedelka nololeed ee saamaynta ku yeehsa jiritaankeedana ka muuqda. Waxa bulshada Soomaalida lagu cabiraa mid aan bisaylka nolosha weli helin, taagana bilowgii. Dhinacii loo rogaana uu damqayo. Waxa se ay lee dahay af u muujiya waddadii qadhaadheed ee ay soo jiidantay oo mur iyo deebaaq ah, maalina maalin ka darayd. Af-maalada Soomaalidu waxoogaa ayay u muujiyeen dhibka nololeed, waxa se ka maqan dib u jaleecida. Dhaleecaynta arrin kasta ama fikir walba ku boobisteed waa lagu dheereeyaa. Waxa aan se marna lagu heshiin dariiqii qodxaha badnaa in laga leexdo oo la aqoonsado in qadhaadh jirey shalay.

Dhibku waa wax laga xanuunsado, laakiin se waa ay ku faataa, raaxadana waa laga faanaa. Dad qalkeeda, umula dooxa, gar-maqaataha, shisheeye kalkaalka, tuuga,  qudhansadaha, beenaalaha, iyo inta hal baaska leh ayaa kaalinta hore ugu jira.

Waxa aan beydadka aan hormadan uga dhigay cinwaanka ka soo dheegtay bulwaddii lagu bilaabay fanka cusub ee Soomaalida iyo erey la sheegay inay ka soo hadheen xilli hore oo lagu sheegay 40-maadkii [ee qarnigg 20-naad], waqtigaa oo dugsiyo laga bilaabay degaanaddii maamulka Ingiriiska hoos imanayey ee Soomaalidu degto. Sida la weriyey waxa lagu sheegay in lagu cabsi geliyey, ninkii inantiisa wax baraa inuu khasaarayo, waxana ka mid ahaa balwaddaa;

ninkii innantiisa

iskuul kudarow

inay ka dhilowday

miyaanuu ogayn.

 

Waxa se xusid mudan inay haddana bulwada lafteeda lagu qaadi jirey;

Bustaanka dhexdeeda

boodboodooy

mar uun baan

banaanka kaa heli.

Inkastoo aanay hablaha Soomaalidu xaraysneyn ee ay ahaayeen kuwo badi debedyaala, sababta oo ah bulshaduba ma lahayn hoy ee banaan bay wadhnaayeen oo ay bahal iyo roobba u yaaleen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.