Awrkii da’furay geela way, deris colloobaane
Oo waakaa duleeddada fadhiya, diif wuxuu qabo’e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer, dihin abiidkoode
{Salaan Maxamed}
Sheedaad:
Rag waa shariyo khayr, doqon xunbaa, shiiqsan weligeede
Sheedaadda waxa iigu wacan, shay Lab baan ahaye
Mar haddaan naf sharaddeed gashaa, shirib yar dhaafaynin
Fulaa shiil wadnaha loogu xidhay, Shamacyo naareede
Anse kama shakiyo xaajadaan uur ka shaawiro’e
Shaki malaha Caynaba inaan shiri anoo noole.
(Salaan Maxamed)









